Qaar kamid ah Wasiirada Xukumada iyo Kheyre oo Qilaaf uu so kala dhex galay Iyo Shariif Xasan oo galaan gal xoogan wada

Reading Time: < 1 minute

Waxa so baxaya warar sheegaya in Khilaaf uu ka dhex curtay Ra’iisul Xasan Cali Kheyre iyo Qaar ka mid ah wasiiradiisa uu cirka isku sii shareerayo xili wasiirada Xukuumada ay yar yihiin madama wasiiro badan ay xilka iska casileyn.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka xumaaday olole ay u sameeyeen qaar ka mid ah Wasiiradisa Musharixiinta Mucaaradka ee u tartamayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Wasiirka Dhalinyada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa qeyb ka aheyd Xildhibaano taageerayay Musharaxiinta Mucaaradka, waxaana arintaas ay sababtay inuu xumaado xiriirkii kala dhaxeeyay Ra’iisul wasaaraha.

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa ku qanciyay Wasiiro iyo Xildhibaano taageersanaa siyaasadda Kheyre inay kasoo horjeestaan, iyadoo xiisadaasi hada ay gilgileyso Xukuumadda.

Xaalada kheyre ee Xukuumada aya ah mid cakiran maadama ay sii kordhayaan weerarada kaga imanaya Shariif Xasan Shiiq adan oo ay siyaasad ahan is qilaaf san yihiin.