Qaar kamid ah Dadka ay saameeyeen Fatahaada Webiga Shabeelle oo bilaabay in ay Guryohoodii dib ugu laabtaan

Reading Time: < 1 minute

Qaar ka mid ah Qoysaskii ka barakacay magaalada Beleweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa inay dib ugu laabteen gudahoodii ay kulahaayeen Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dadka qaar oo kusugan Beleweyne ayaa inoo sheegay in inta badan xaafadaha Magaalada ay Biyuhu kabexeen taana ay u suurta gelisay in ay Guryohooda dib ugu soo laabtaan madaamada uuu fahaadu samayn xoogan uu kuyeeshay noloshooda.

Magaalada Beleweyne ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa samaynta uu Magaalada ku reebay fatahaada Webiga waxaana Dadku ay isku dayaayaan in ay kasoo kabtaan fahaadaa saamaynta ku rebeebay goobohoodii Shaqo iyo goobohoodii hoyaad intaba.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!