Qaar ka mida Waxgaradka Puntland oo baaq u diray Xildhibaanada Cusub

Qaar ka mid ah waxgaradka ku sugan caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa ugu baaqay xildhibaanada cusub ee barlamaanka Puntland ee 2019ka inay ku shaqeeyaan dareenka iyo baahiyaha bulshada Puntland qabto.

Nabadoon Cabdicasiis Yuusuf Xaarin waxaa uu sheegay in 20 sanno ka dib Puntland ay baahi weyn u qabto hoggaamiye wax ka qabta nabadgelyo xumada jirta iyo musuqmaasuq baahay.

Waxa uu sheegay in xildhibaanada cusub looga baahan yahay inay keenaan isbedel oo doortaan hoggaamiye wax ka qaban kara amniga iyo musuqmaasuqa

““ waxaanu baahanahay cid musuqmaasuqa baahay oo reer Puntland gardaadsaday oo ku gaamuray oo cid walba inay ku faanto dabaqyo iyo shirkado ayaan sameeyay ku faanaysa, cid wax ka qaban karta” ayuu yiri Nabadoon Xaarin.

Dhinaca kale Nabadoon C/qaadir Axmed Ibraahim ( Xarago) oo ah afhayeenada nabadoonada gobolka Bari ayaa sheegay in maanta Puntland u baahan tahay hoggaamiye isku keena oo ururiya shacabka Puntland.

Waxa uu sheegay inuu rajo weyn ka qabo in xildhibaanda cusub ay ku shaqayn doonaan dareenka iyo waxa ay doonayaan bulshadda Puntland oo ah Isbedel.

Advertisements
Xayeeysiin