Qaar ka mida Musharaxiintii hore ee Jubbaland oo qaaday tilaabo dagaal abuuri doonta

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo doorashada Jubbaland  ku jirta xaaladihii ugu danbeeyay ayaa qaar ka mida musharaxiinta ay taageerto dowlada Farmaajo ay ku dhaqaaqeen talaabooyin keeni kara in dagaal sokeeye ka dhaco Jubbaland.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta doorashada Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ay magacaaban  doonaan guddi doorasho oo ka madax banaan gidiga rasmiga ah Jubbaland ee Shaqada doorashadda hada howlan beesha caalamkana ay horay ula kulanatya aqoonsatayna.

Musharaxiinta ayaa ku eedeeyay gudiga in ay sameynayaan eex oo ay taageerayaan kaliyah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Talaabada ay qaadayaan musharaxiinta ayaa noqon doonta mid dhibaato hor leh u horseeda Jubbaland, Dhabka ka yimaadana waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya MW Farmaajo iyo kooxa isaga la talisa