Qaar ka mida Madaxda Carabeed oo hambalyo u diray Netanyahu

Ra’isul wasaaraha Isreal Benyamin Netanyahu oo toddobaadkii hore ku guulasytay doorashadii wadankaasi ka dhacday ayaa sheegtay in madax tiro badan oo carabi ah ay isugu hambalyeeyeen guusha uu gaaray.

Madaxweynaha Israeli Reuven Rivlin ayaa maanta la filayaa inuu ka codsado Benyamin Netanyaho inuu soo dhiso xukuumada cusub, kadib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay natiijadii doorashadii Isreal Ka dhacday.

Xisbiga garabka Midig ee Likud ee Ra’isul wasaaraha ayaa ku guulaystay 35 Kursi, halka xisbiga ka soo horjeeda ee uu hoggaamiyo Generaal hore oo ka tirsanaa ciidamada oo lagu magacaabo Benny Gantz. Barlamaanka ayaa ka kooban 120 Kursi

” Dhamaan shacabka Isreal, Yuhuuda iyo dadka aan yuhuuda ahayn, waxaan ka dalbanayaa inay ka qayb ka noqdaan guusha weyn ee wadanka Isreal gaaray, waxaan noqonayaa Ra’isul wasaaraha qofkasta” sidaas waxaa yiri Netanyaho

Wuxuu sheegay in guushiisii ay ugu soo halbalyeeyeen madax badan oo caalamka ah, oo ay ku jiraan madaxda wadamada Islaamka iyo carabta, kuwasoo oo uusan xusin.

Advertisements
Xayeeysiin