Iyada oo dhowrkii maalin ee la soo dhaafaty la isku haystay warbixinta dhawaan ay soo saarayn Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa soo badanaya aqoonyahanada Soomaaliyaeed ee taladooda ku biirinaya warbixinta iyo waxa ay xanbaar-santahay.
Dr. Cali Ciise Cabdi oo ka mida aqoonyahanadda ku xeeldheer dhaqaalaha aya isaga oo ku sugan magalaada Addis Ababa sheegay in ayan dan ugu jirin dowlada Fedaraalka in ay ku mashquusho sida loo soo qaray warbixibta iyo cida soo qortay laakiin ay ka jawaabaan fartiinta ay wado warbixinta. Waxa uu yiri “ wasiirka Maaliyadda ha soo bandhigo lacagaha meesha ay ku baxday iyo sida ay u baxday oo cadeeymo la socoto, laakiin ku mashquulka arimaha kale ceeb iyo dhib aya dowladda kala kulmi doontaa”.
Talabada uu dhawaan qaaday Gudoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cawad ee lagu kala diraayo Gudiga Maaliyadda aya dad badan waxa ay u arkaan in ay tahay cadeeyn in dowlada oo rabto in ay qariso musaqa ka jira Wasaradda Maaliyadda iyo xafiisksa Ra’iisal Wasaaraha Kheyre.