Qaar ka mida ciidanka Puntland oo fartiin u diray Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta dignni soo dhigay baraha bulshada Taliyaha ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland ee degmada Towfiiq oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug, G/sare Maxamed Maxamuud Cumar (Gacayte), ayaa muuqaal uu soo duubay si adag uga jawaabay, hadal ka soo yeeray jaaliyadda Galmudug ee dalka Sweden, oo sheegtay in degmadaasi ay ka tirsantahay dowlad goboleedka Galmudug.

Taliyaha ayaa siyaasiyiinta reer Galmudug digniin ku siiyay, in ay ka waantoobaan  sheegashadooda degmada Towfiiq  oo ka tirsan dhulka dowladda Puntland, isagoo ku hanjabay in guryahooda  la isku’ wareysan doono, haddii aysan joojin daan-daansiga ay ka wadaan xuduudaha Puntland.

Taliye Gacayte ayaa ku goodiyay inayan u  dulqaad  doonin waxa uu ku tilmaamay carqadda iyo daan-daansiga siyaasiyiinta Galmudug ku hayaan degmada Towfiiq, iyo sheegashadooda ku aaddan in ay leeyihiin degmada, isagoo ka digay in mas’uuliyadda wixii ka yimaada ay Galmudug yeelan doonto.

Hadalka taliyaha ayaa ku soo beegmay, xilli dhowaan siyaasiyiin iyo qurba-joog u dhashay Galmudug ay warbaahinta ka sheegeen, in degmada Towfiiq ay ka tirsantahay degaannada dowlad goboleedka Galmudug, hadalkaasi oo muran iyo dood badan ka dhaliyay baraha bulshada.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee taliyaha