Qaar ka mid ah Golahii wasiiradda  Xukumaddii CC-Sharma’arke oo Cadeeyay Musuq maasuqa Xassan Cali Kheeyre Iyo Farmaajo(DHAGEEYSO)

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo ay sii xoogeeysaneeyso Qeeylada iyo Dooda Ildheer-garadka  Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaayo Boobka aan qarsooneeyn oo ay ku kacayaan R/wasaare Xassan Cali Kheeyre Iyo Madaxweyne Maxamed C/laahi farmaajo ayaa qaar ka mid Wasiiradii hore waxaa ay ku baaqeen in isbedel macquul ah dalka lagusoo dabaalo islamarkaana laga joojiyo wadada qaldan ee lagusii Hogaaminaayo.

Maxamed Cumar Geedi  oo ahaa Ku Xigeenkii Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukumadii R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ka hadlay Musuq maasuqa iyo sidoo kale beenta loo sheegaayo Umadda ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay Dhowr Tilmaamood oo Muujinaayo Dhaca baahsan ee dalka ka Socda.

Waxaa uu sheegay in Dowladdu dhowr jeer ku dhawaaqday Dagaal ka dhan ah Al-shabaab Hase’yeeshee aan la qaadin wax weerar ah oo lagu Qaadaayo Al-shabaab taasna ay Cadeeyn u yahay Fashilka cad ee Xukumadda.

Maxamed Cumar Geedi   Arrimo badan ayuu ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Shirkii Brussels iyo qodobadii ay la tageen Madaxweynaha iyo Kooxdii la Socotay