Qaar ka mid ah Golaha Wasirrada cusub oo maanta la wareegay xilka

Reading Time: 2 minutes

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe)  iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Wasiirkii hore ee Amniga XFS ku ammaanay sida howlkarka ahayd ee u soo hoggaamiyey Xafiiska, isagoo kula dardaarmay wasiirka cusub in looga fadhiyo shaqo culus, maadaama amnigu uu yahay mid kamid ah tiirarka muhiimka ah ee xukuumadda.

May be an image of 7 people and people standing

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Sheekh Cumar Cali Rooble, iyaga oo ay goobjoog ka ahaayeen kuxigeennada Wasiirkii hore iyo kan cusub.

May be an image of 3 people, people standing, suit and indoor

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salah Jama, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey, Wasiirkii hore ee Caafimaadka, Foosiya Abiikar Nuur iyo Wasiirka cusub  ee Wasaaradda Caafimaadka Cali Xaaji Aadan, oo ay xilwareejintoodu ka dhacay xarunta Wasaaradda Caafimaadka.

May be an image of 3 people, people standing and suit

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa xilalka ukala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka XFS, Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda, Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa xilalka ukala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka XFS, Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda, Cabdirashiid Maxamed Axmed.

May be an image of ‎4 people, people standing and ‎text that says '‎YAAA Federal Republic of Somalia Ministry of Petroleum & Mineral Resources X الية الفيدرالية الصومال جمهورية والثروة البترول وزار وز المعدنية REEJINTA W RAADKA MA RADDA BATROO TE 10/08 O‎'‎‎