Qaar ka mid ah Degmooyinka gobolka Banaadir oo laga dareemay cabsida in Al-shabaab soo galaan!!

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada xoogga dalka oo Habeen iyo Maalin hor-taagan Al-shabaab ayaa in ku dhaw 7-bilood waxaa aysan qaadan wax mushaar ah taasi oo sababtay in ay kasoo baxaan furumahii ay ku sugnaayeen islamarkaana ay soo tiigsadaan Mgaaalada Muqdisho.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa waxaa degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood laga dareemayaa cabsi xoogan taasi oo ah in Al-shabaab ay si sahal ah kusoo gaaraan ama ay gudaha ugusoo galaan.

Degmooyinka Kaaraan,huriwaa,yaaqshiid,dayniile Kaxda,iyo dharkeeynleey ayeey cabsidaani ka taagan tahay waxaana dadka shacabka ah ay yihiin kuwa feejigan.

Waxaa ceeb ah in iyadoo la maraayo 2019 in Al-shabaab looga baqo in ay Caasimada soo galaan,taasna waxaa sabab u ah Dowlada Farmaajo oo dayacday ciidankii qaranka