Qaar Ka Mid Ah Dadki Ku Dhawacmay Qaraxi Soobe oo Dalka Dib ugu Soo Labanaya

Reading Time: < 1 minute

Dalka Turkiga ayaa waxaa xalay laga soo sagootiyay 6dii qof ee ugu dambeysay ee ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii isgoyska Soobbe ka dhacay 14kii October ee Sanadkii hore 2017kii.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga,Wasaaradda Caafimaadka ee Turkiga iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalaya sagootinta loo sameeyay dhaawacyadii ugu dambeeyay ee la geeyay Turkiga kuwaas oo hadda intooda badan bogsaday.

Dadka la soo celiyay waxaa ku jira kuwa lixaadka waxyeello ka gaartay waxaana ka mid ah qof ku socda Gawaarida ay ku socdaan dadka lixaadkooda dhimanyahay.

Dalka Turkiga waxaa guud ahaan la geeyay 35 Qof oo ka mid ahaa dhaawacyadii Soobbe waxaana la socday 34 Qof oo ehelkooda ahaa,guud ahaanna waxaa dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho kuwaasi oo hada la nool Ehelkooda.