Qaar ka mid ah ganacsatada khaadka keena Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen gabi ahaanba jaadkii ay ka keeni jireen dalka Kenya, kadib markii shalay ganacsatada khaadka Kenya ay sheegeen inay joojin doonaan khaadka ay keenaan Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddiga ganacsatada Khaadleyda Soomaaliyeed, Qooje Maxamuud oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay go’aankasi qaateen kadib go’aankii dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay taageersan yihiin qaranka Soomaaliya.
“Laga bilaabo maanta waan joojinay khaadkii inooga imaan jiray Kenya, waxaana ka dooranay difaaca qarankeena, baddeena iyo dhulkeena, wixii intaasi dheer oo siyaasad ah waxaan u dhaafnay dowladda Soomaaliya, khaadkana waxaan ka keensaneynaa dalka Itoobiya oo Suuqeenii aan u wareejinay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga Ganacsatada khaadleyda Soomaaliyeed.
Waa go’aan la fileysan karay balse marka la eego qoraalkii jawaabta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya lama fileyn in go’aanadaan oo kale ay soo bixi doonaan.
Ethiopia ayaa hadda heleysa fursad ay lumiyeen ganacsatada khaadka ee Kenya.