Qaabkii Adan abdulle International airport looga qaaday Cabdikariim (Qalbi dhagax) iyo wixii dhacay?

Reading Time: 2 minutes

Markii Cabdikariim lagasoo qaaday Magaalada Gaalkacayo ee MUQDISHO la keenay waxaa lagu wareejiyey ciidanka NISA wuxuuna ku xidhnaa xaruntooda waxaana loola dhaqmay si wanaagsan, isaguna wuxuu qabay kalsooni 100% ah inuu Ethiopia ka badbaaday.

Kadib markuu heshiiskii Wareejintu dhacay ayaa waxaa taliyaha askartii NISA ee haysay Cabdikariim sh muuse loo sheegay in Maxbuuska loo wareejinayo goob kale (Xabsi kale) Cabdikariim laftiisa waxaa lagu wargeliyey in goob kale lagaynayo.

Kadib maxaa dhacay?

Waxaa goobta tagay Agaasimaha NISA Sanbaloolshe iyo lataliyaha M/weyne Farmaajo S/guuto Bashiir goobbe waxayna wateen baabuur ayna xabbaddu karin oo laga leeyahay Madaxtooyada (villa Somalia) waxaana la socday askarta koofiyad casta ah ee Madaxtooyada.

Kadib waxaa Cabdikariim la geeyey Safaaradda Ethiopia oo Madaxtooyada ku dhextaalla, waxaana halkaas kasoo raacay laba sarkaal oo ka tirsan Wardoonka Ethiopia, markuu arkay Saraakiisha Ethiopian-ka ayuu Cabdikariim dareemkii ugu horreeyey qaaday, isla dhawr daqiiqo yar gudohood waxaa la geeyey Airport-ka MUQDISHO.

Kadib maxaa dhacay?

Markii laga dajiyey gaadhigii lagu waday ee larabay in diyaaradda lasaaro ayuu Cabdikariim dagaalamay wuxuu ahaa nin xoog badan waxaa xakaym waayey ilaaladii wadday, meeshii waxaa ka dhacay buuq, waxaa soo farageliyey Saraakiishii iyo askartii Airport-ka joogtay waxayna yidhaahdeeen: “celiya ninkan!, diyaaradda xoog laguma saarayee”.

Kadib maxaa dhacay?

Dibbaa loosoo celiyey Cabdikariim, waxaa la geeyey xerada Afisyoone, waxaa lagu sameeyey jidh-dil xoog badan, waxaa aad looga garaacay madaxa, lugaha iyo gacmaha markii la jilciyey waxaa madaxa loo galiyey maro lagu qariyey dhammaan madixiisa, waxaana loo xidhay laba dible.
Sidaas ayaa markale loogu qaaday Airport-ka laakiin markan ma’uuna ahayn nin isdhaq-dhaqaajin kara! waxaana lasaaray diyaarad yar oo garoonka meel gees ah ka taallay isagoo ay garbaha kaga jiraan laba askari oo soomaali ah oo Koofiyad cas ah, waxaana sii raacay Saraakiil Tigree iyo soomaali isugu jirta, waxaana laga dejiyey Magaalada Baydhabo. Maxaan kasii wadaa hadalka?!

Caku soomaalinimooy! Caku islaamnimooy! Caku bani’aadam-nimooy!… Caku Aadan cabdulle cismaanow (Airport- ka ayaa magaciisa lasiiyey waxaana ka dhacay waxaas)
Caku Calankii buluugga ahaayow (isaga difaaciisa 3 xabadood ayaa ugu dhacay jidhkiisa).

FG: xogtan waxaa ila wadaagay saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya oo arrintan lasocday bilow iyo dhammaad.

Dhiibista_QALBIDHGA waa qiyaano qaran oo aan looga hari doonin kuwii fuliyay falkan wuxuushnimada ah.