Qaabkee loogu soo dhaweeyay Muqdisho Wasiiradda Arrimaha Dibadda Dalalka Itoobiya iyo Eritrea (SAWIRO)

Reading Time: < 1 minute

Wasiiradda Arrimaha Dibada Dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya ay kusoo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Safiirka Dowlada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa wafdigan soo dhaweeyay.

Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Eritrea ayaa inta ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Dalka, iyadoo laga wada hadli doono Xojiinta Xiriirka iyo sare u qaadida Wada shaqeynta Dowladahaasi iyo Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa wada shaqeyn xoogan la leh Wadamada Geeska Afrika, Iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Magaalada Asmara Heshiis Iskaashi kula galay Madaxweynaha Eretrea iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya.