Qaabkee loo Weeraray Gurigga Xil Cadoow Cali Gees, yaasa Amray, maxuusa ka Yiri!!

Reading Time: < 1 minute

Maalmo ka hor Waxaa ay ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka gudaha u galeen Xafiis uu Dekadda Muqdisho ku dhex lahaa Xildhibaan Cadoow Cali Gees, kaasi oo banaanka laga soo dhigay dhamaan Agabkii xafiiskaasi looga shaqeeynaayay

Ciidamadda Gudaha u galay Goobtaasi ayaa Waxaa hogaamineeysay Sargaalad Lagu Magacaabo Xamdi oo u dhaxda Maxamed Abuukar Jacfar oo ka Tirsan Saraakiisha Ciidamada Nisa islamarkaana Xilal kala Duwan soo qabtay

Si aan Wanaagsaneeyn ayaa loola dhaqmay Shaqaallahiisa Joogay goobta la weeraray waxaana Banaanka lasoo dhigay Agabkii shaqadda, ilo goobjoog ahaa goorta Weerarku dhacaayay ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ay mar qura la Kulmeen Ciidamo Xoogan oo ayna Garaneeynin meel ay ka socdaan.

Dastuurka Dalka ayaa Waxaa uu Xildhibaanka Qaran u ogolaanayaa Xasaanad Buuxda taasi oo ah in aan la Weerari Karin in aaan Gurigiisa Lagu sameeyn Baaritaan hadii sidaasi uu qabo dastuurka dalka waxaa xaqiiq ah in la isku meel-dhigay Sharciyadii dalka sida uu qabo Dr”muqtaar Maxamed Cali

Dhanka kale Muqtaar Maxamed Cali ayaa sheegay in Weerarka Cadoow uu la mid yahay Kuwii lagu qaaday C/raxmaan C/shakuur iyo C/qeeybdiid Islamarkaana ay Dowladdu ka Baaqsan weeysay Ilaalinta Sharciga

Ilaa Iyo Hadda ma jiro masuul ka hadlay Weerarka Lagu qaaday Xildhibaan Cadoow Cali Gees inkastoo Dadka qaar ay qabaan in Dowladu ka aamusto Qaladaadkeeda Kolka ay Gef Gasho,

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!