Taliyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay sugidda amniga xiliga doorashada Puntland Cabdirisaaq Siciid Diiriye Faarax ahna taliyaha ciidanka badda Puntland (PMPF) iyo wasiirka amniga puntland oo kaalmaysanayaan maamulka gobolka Nugaal ayaa shir jaraa’id ay shaley ku qabteen ku magaalada Garoowe uga hadlay arimaga amiga ee Puntland,
Wasiirka amniga Puntland Axmed Cabdulaahi Yuusuf Dowlad iyo Sareeye Gaas Cabdirisaaq Diiriye taliyaha amniga doorashooyinka ayaa shirkooda uga hadlay arimo la xiriira qaabka loo sugayo mniga xiliga ay dhacayso doorashada madaxweynaha Puntland.
Taliyaha ayaa ugu baaqay shacab weynaha Puntland in ay la shaqeeyaan ciidamada ka shaqeynaya sugidda amniga iyo kuwa kale ku howlan sugidda amniga guud ee Puntland. Doorashada Puntland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bisha Janaayo 8deeda ee sanaka soo socda.