Reading Time: 4 minutes
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
176 days
18 hours
16 minutes
26 seconds

Intii u dhaxeeysay 1-da ilaa 25-ka bisha Juulaay, waxaa ka dhacay dalka Soomaaliya qorsho siyaasadeed oo aad looga soo shaqeeyay kaas oo sababay in Xasan Kheyre uu ku waayo kursigiisa Ra’iisal Wasaaranimada isla markaana si karaamo daro ah loo bahdilo isaga iyo beesha uu ka dhashay ee Murusade.

Safarkii Kheyre ee Doxa

Intii Xasan Kheyre uu safarka ugu maqnaa magaalada Doha ee dalka Qatar 27ta bisha Juun ilaa 5ta bisha bisha Juulaay, waxaa magalaada Muqadisho ka socday kulamo gaar gaar ah oo u dhaxeeyay Gudoonka Baarlamaanka (Mursal iyo Muudeey)  iyo Farmaajo oo ay garab taaganyihiin saaxibadiisa.

Kulamadaas ayaa nuxurkooda ahaa in Kheyre lagu qanciyo in uu ka tanaasulo hamigiisa ah in uu madaxweyne Farmaajo kula tartamo doorashada isla-markanaa uu ogolaado in dowlada Farmaajo  hesho waqti kordhis iyada oo laga wada shaqeeynayo in dalka ay ka dhacdo doorasaho qof iyo cod.

Kulamadaas ayaa waxa lagu go’aamiyay in Xasan Kheyre loo bandhigo qorshaha Farmaajo iyo gudoonka Baarlamaanka, hadii uu diidana lagu qasbo in uu iscasilo, hadii uu taladaas diidana la bilaabo qorshihii baarlamaanka ku ceyrin lahaa Xasan Kheyre.

Kulamadii Kheyre iyo Gudoomiye Cabdiwali Muudeey

Intii u dhaxeeysay bisha Juulaay 6deedii ilaa 9keedii, waxaa kulamo dhexdhexaadin ah sameeyay Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaamaliya Cabdiwali Mudeey kaas oo ukala dabqaadayay Farmaajo iyo Kheyre isaga oo isku dayay in uu ku qanciyo Kheyre uu ku shaqeeyo rabitaanka Madaxweyne Farmaajo isla-markaana uu ka tanaasulo fakarkiisa ah in uu dalku qaato  doorasho dadban.

Iyada oo wadahadalkaas socdaan ayaa bishii Juulaay 9keeda waxa uu Xasan Kheyre ka sheegay shirkiisii Golaha Wasiirada in uu dalku aadayo doorasaho, waqtigeedana lagu qaban doono doorashadaas. Arintaan ayaa waxa ay ku noqotay yaab iyo amakaag labada mas’uul Mursal iyo Mudeey oo rumaysnaa in  Kheyre uu ka tanaasulay fakarkiisii doorashada.

Kheyre iyo xiriirkiisii qarsoonaa ee Madasha Xisbiyada Qaran

Dhowr asbuuc ka hor inta uusan u safrin dalka Qatar Xasan Kheyre waxa uu xirir hoose la furtay qaar ka mida hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran, wadahadaladaas ayaa nuxurkooda ahaa in labada dhinac ka shaqeeyaan in dalka doorasho ka dhacdo, isla markaan si wada jira loo taageero shirka laga yaabo in ay isugu yimadaan madaxda dowlad goboleedyada.

Farmaajo  oo maqlay wadahadalkaas ayaa waxa sii galay dareen ah in Xasan Kheyre doonayo in uu uga baxo balamo uu horay ula galay. Farmaajo oo ka duulayo dareenkaas ayaa waxa uu go’aansaday in la bilaabo abaabulka qorshaha lagu ceyrin lahaa Xasan Kheyer. Mas’uuliyada arintaasna waxaa la wareegay Fahad Yasin iyo Madaxweyne Axmad Qoor Qoor.

Fahad Yasin oo Qoor Qoor oo si wadajira u bilaabay qorshaha lagu qaarijinayo Kheyre 

Waxaa in mudo ah daaha siyaasada gadaashiisa ka socday wadahadal u dhaxeeyay  Fahad Yasin, Qoor-Qoor, Cabdikarin Guleed iyo qaar kamida golaha wasiirada cusub ee Galmudug. Qorshaha Fahad ayaa ahaa  in hogaanka Galmudug ay kala shaqeeyaan sidii  Xasan Kheyre siyaasada looga saari lahaa.

Axmad Qoor-Qoor ayaa  aad u soo dhaweeyay talada ah in laga taqaluso Xasan Kheyre, Galmudug-na ay qaybta ugu weyn  ka qaadato ceyrintiisa,  Qoor-Qoor ayaa loo balan qaaday  in marka uu baxo  Kheyre uu isagu keensan doono musharax Habargedir ah oo lagu badalo Xasan Kheyre. Qorshahaas ayaa waxa uu si qarsoodi ah ula wadaagay saaxiibadiisa gaarka ah oo ay ku jiraan; Kamal Guutaale, Axmad Cabdisalan, Mahad Salaad, Axmad Macalin Fiqi, Saabir.

Siyaasiyiinta beesha Habargedir oo u arkaayay fursad ay uga aarsadaan Xasan Kheyre, ayaa dhamantood waxa ay ku tashadeen in aan marnaba Xasan Kheyre waxa dareen ah la galin islamarkaana uu Axmad Qoor-Qoor uu si joogta u xariiriyo isaga oo u muujinaya in uu isaga la jiro mar-marka qaarna ku dhiirigaliyo in uu dagaal ku qaado Farmaajo iyo Fahad Yasin.

Gudoomiye Mursal iyo Mudeey oo dib u bilaabay wadahadalka Kheyre iyo Farmaajo

Xasan Kheyre ayaa intii shirka dowlad goboleedyada uu ka socday magaaladda Dhuusamareeb waxa ay kumalo gaar gaar ah la yeesheen Kheyre iyo Farmaajo si loogu qanciyo in Kheyre ka noqdo go’aankii uu ka sheegay Golahiisa Wasiirada ee ahaa in dalka doorasho dadban  ka dhacayso xiligeedana ay ku dhacayso.

Dhowr kulan ka dib Xasan Kheyre waxa uu ogolaaday in uu  ka noqdo go’aankiisii hore isla-markaana uu madaxweyne Farmaajo uga sii hormaro magalaada Dhuusamareeb isaga oo ka shaqeeyn doona in uu ku qanciyo dowlad goboleedyada in ay taageeraan qorshaha madaxweyne Farmaajo ee waqti kordhinta ah.

Axmad Qoor Qoor oo warka Kheyre la wadaagayay Fahad iyo Farmaajo

Xasan Kheyre ayaa markii uu kulamada heshiisiinta ah la galaayay Farmaajo waxa uu dhankiisa xiriir la sameeynayay qaar kamida dowlad goboleedyada, gaar Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmad Qoor Qoor oo uu u arkaayay in uu ahaa nin uu isagu wax ka soo dhistay kuna kalsoonaan karo.

Qoor-Qoor ayaa warbixin ama sir-kastaa uu ka dhagaysto Xasan Kheyre waxa uu isla daqiiqado gudahood u diri jiray  Fahad Yasin kaas oo warbixintaas oo uu isagu wax ku darsaday u sii gudmin jiray Farmaajo.

Xasan Kheyre oo aan marnaba war u haynin in Qoor-Qoor  uu xiriir gaar ah la sameeystay Fahad iyo Farmaajo, warkiisa qarsoodiga ahna  si toos uu ula  wadago labadaas nin,  ayaa ugu danbeeyntii go’aansaday uu u safro magalaada Dhuusamareeb si uu uga qaybgalo shirka halkaas uga socday dowlad goboleedyadda.

Kheyre ayaa inta uusan u safrin Dhusamareeb waxa uu  u sheegay Qoor-Qoor in uu diyaarad ay la socdaan xildhibaano isaga taageersan ay imaan doonaan Dhusamareeb kaas oo uu hogaamin doono  Senator Dhagdheer. Sidoo kale waxa uu uu u sheegay Qoor-Qoor in uu lacag u soo dhiibay Dhagdheer si  uu  ugu istcimaalo soo dhaweyntiisa gaarka ah.

Qoor Qoor ayaa durbadiisa waxa uu sirtii Kheyre u sheegay uu qadka teelefanka kula wadaagay Farmaajo iyo Fahad, kuwaas oo u sheegay Qoor Qoor in uu sameeyo waxkastaa oo uu ka codsado isaga oo aan la dareensiin in lala socdo qorshahiisa.  Qoor-Qoor ayaa u sheegay Xasan Kheyre maalinta uu imaanayo Dhuusamareeb oo ku beegaynd 14ta bisha Juulaay uu soo kaxeeyn doono dhamaan madaxda dowlad Goboleedyada si loo dareensiiyo “Farmaajo” in Kheyre ka heysto taageero buuxda dowlad Goboleedyaadda.

Qorshahaas oo dhan ayaa ahaa mid indha sarcaad ah oo uu soo abaabulay Fahad Yasin, la doonayo in Xasan Kheyre loogu qodo xabaal siyaasadeed uusan waligii ka soo bixin.

Qaybta labaad waxaa idinkuugu soo tabin doonaa, qaabka hadlka sirta ah ee looga duubi jiray Xasan Kheyre isaga oo ku sugan guriga martida ee laga dajiyay Dhuusamareeb,  shirqoolka qorshaysnaa ee uu Qoor-Qoor ku sameeyay Xasan Kheyre, aqoon la’aanta, talo xumida  Kheyre, iyo  Siyaasiyiin  badan oo uu saaaxibo mooday oo qayb ka ahaa abaabulka ka dhanka ahaa isaga ee uu hogaanka u hayay Fahad Yasin?

La soco qaybta 2, 3 iyo 4raad.