Sawiro lagasoo qaaday Garoonka Diyaaraddaha ee Magaalada Muqdisho ayaa ay muujinayaan u diyaar garowga soo dhaweynta madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerkii oo lagu waddaa in uu soo dego Saacaddaha soo socda..
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Muqdisho ay kaga bilaabatay Booqasho, islamarkaana ay tahay mid taariikhi ah Booqasho Afwerkii ee Muqdisho.
Waa markiisii ugu horeysay booqanaya Soomaaliya tan iyo markii dalkiisu xornimada ka qaatay dalka Itoobiya
Dowlada Soomaaliya ayaa dhowr jeer lagu eedeeyay xariirka ay la yeelaneeyso dowlada Eritrea taasi oo la rumeeysan yahay in ay qeeyb lixaad leh ka qaadatay burburinta Dalka