Q.M”Nicholas Haysom waa wakiilkeeyna Soomaaliya,mana la ceeyrin”

Reading Time: < 1 minute

Qaramadda Midoobay ayaa wali ku adkeysanaysa in Nicholas Haysom uu wali yahay Wakiilkooda dalka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Qaramadda Midoobay oo lagu magacaabo Farhan Haq ayaa sheegay in Haysom uu weli yahay ergeygooda Soomaaliya, islamarkaana warqad aysan ka helin dowladda Soomaaliya, ayna raadinayaan faah-faahin arintiisa ceyrinta ku saabsan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Goluhu uu u baahan yahay cadeymo buuxa balse weli uu Haysom haysto taageerada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Arrintan ayaa timid saacado kadib markii uu Nicholas Haysom  ka hor hadlay golaha ammaanka, isaga oo aan soo hadal-qaadin go’aanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ee ku aadan inuu dalka ka baxo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 1dii bishaan dalka ka ceyrisay wakiilkii Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom,kadib markii lagu eedeeyay xadgudubyo.