Q.M oo war kasoo saartay Sargaal xalay looga dilay Magaalada Gaalkacyo!

Reading Time: < 1 minute

War saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa si kulul loogu cambaareeyay dilkii dhawaan magaalada Gaalkacyo loogu geystay mid kamid ah shaqaalaha qaran ee Qaramada Midoobay uga howl gala Soomaaliya.

“Raisedon Zenenga oo ah madaxa xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay ee caawinta Soomaaliya, ahna ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxa uu sida ugu adag u cambaareynayaa dilka loo geystay Maxamed Cabdi Khayre, xilli uu shalay maqribkii kasii baxayay masaajid ku yaalla magaalada Gaalkacyo”, ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka oo soo baxay maanta oo ah 1-da bisha Juunyo.

Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay mas’uuliyadda dilka Khayre oo isla markiiba isbitaalka loola cararay, balse goor dambe u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

“Waxaan ka baroor diiqeynaa geerida Mr Khayre, oo si howlkarnimo ah uga shaqeynayay qeybta amniga iyo badbaadada ee xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya”, ayuu yidhi Mr. Zenenga, oo ku saxiixnaa war saxaafadeedka.