War qoraal ah oo dhawaan kasoo baxay xafiiska ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoowe u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa lagu cambaareeyay madaafiicdii maanta lagu weeraray Xerada Xalane.
Nuqul kamid ah warkaasi lagu cambaareeyay madaafiicda lagu weeraray Xalane oo Idaacadda Risaala soo gaaray ayaa waxa uu u qornaa sidatan:
” Todobo Madfac ayaa lagu soo tuuray xeyndaabka Xalane, Labbo ruux oo kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoowe ayaa dhaawacyo fudud uu kasoo gaaray iyo ruux kale oo ku suganaa gudaha xirada.
Weerarkaasi aan tooska aheyn waan cambaareyneynaa, waxayna ka dhigneed carqaladeyn sharciga Aadanaha ah, in la weeraro hay’ad caalami ah ( Qaramada Midoowe) laguma gaarayo hadafyo siyaasadeed.
Ugu dambeyn waxaan caafimaad deg deg ah u rajayanyenyaa saaxiibadeena dhaawaca fudud uu kasoo gaaray madaafiicdii maanta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska ergayga gaarka ah ee Qraramada Midoowe u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom.