Qoraalkaan oo ah Qaybtii Sadaxaad, waxa uu daba socdaa qaybtii kowaad iyo labaad qormadii aanu uga hadalnay qaabkii uu Axmad Qoor-Qoor u shirqoolay Xasan Kheyre, sida loo dajiyay shirqoolkaas iyo guud ahaan qiyaanadii ka dhacday Dh/Mareeb.
Safarkii Farmaajo ee Dhuusamareeb
Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uusan tagin magalaadda Dhuusamareeb maalintii Sabdiga ee bisha Juulay ahayd 18ka , waxa uu ku amray Madaxweyne Axmad Qoor-Qoor in uu faaruqiyo gabi ahaanba xarunta madaxtooyada ee Dhuusamareeb. Farmaajo ayaa soo dirsaday iskana soo hormariyay ciidan gaar ah oo la wareego madaxtooyada iyo qolka shirarka ee ku dhexyaalay madaxtooyada.
Askarta uu Farmaajo soo dirsaday oo ay la socdeen khubaro wax ka taqaan waxyaabaha qarxa ayaa baaritaan buuxa ku sameeyay madaxtooyada iyaga oo ka ka baaraya walxaha qarxa ama qalabka la isku dhagaysto.
Farmaajo oo si buuxda ula socday dhaq-dhaqaaqa Xasan Kheyre ayaa rabay in uusan isaga laftiisa ku dhicin qiyaano ah in naftiisa la haligo ama war laga duubo sida looga duubay Xasan Kheyre.
Kulankii Deni, Kheyre, Axmad Madoobe ee Garoonka Diyaaradaha Jan. Maxamed Abshir
Maalintii Khamiista ee bisha Juulaay ahayd 16ka, waxaa magaalada Garowe aas qaran loogu sameeyay Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Abshir Farax, duugta ka dib ayaa waxa garoonka diyaaradaha magaalada Garowe kulan deg-deg ah ku yeeshay Deni, Kheyre, Axmad Madoobe kaas oo looga hadlaayay arimaha doorashada.
Kheyre oo iska beri yeelayo in uu ka soo horejeedo qorshaha Farmaajo ayaa kulanka markii danbe qadka taleefanka ku soo galiyay Farmaajo. Sida MOL loo xaqiijiyayna kulankaas ayaa ku dhamaaday is-afganwaa dhan walbaa leh.
Intii uu joogay Garoonka Garowe, Kheyre waxa uu sidoo kale kulan la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi. Kulankaas ayaa ahaa mid uu Kheyre ku adkeeynay Cabdi Xaashi in uu ku adkeeyso mowqifkiisa uu uga soo horejeedo qorshaha Farmaajo iyo gudoonka Aqalka Hoose.
Kheyre ayaa u balan qaaday Cabdi Haashi in uu xaqiijin doono in kulanka Dhuusameeb uu noqdo mid ku dhaamado in dalka uu aado doorasho dadban, Farmaajo-na uu kula soo noqon doono Muqadisho gacan maran.
Kheyre, Deni, Axmad Madoobe iyo soo dhaweynta Farmaajo ee Dhuusamareeb
Sadaxda hogaamiye (Kheyre, Deni, Axmad Madoobe) ayaa intii ay wada-joogeen magalaada Garowe waxa ay ka wadahadleen imaantinka Farmaajo ee magalaada Dhuusamareeb. Deni iyo Axmad Madoobe oo ay ka go’nayd in ay kala sii fogeeyaan Farmaajo iyo Kheyre ayaa u sheegay Kheyre in ay isaga taageersan yihiin, loona baahan yahay in uu ka qaato go’aan adag dhaqanka Farmaajo, iyaga oo taageero buuxda la garab istaagayo.
Axmad Madoobe iyo Deni ayaa labadaba waxa ay sheegeen in ayan doonaynin in ay Farmaajo soo dhaweeyaan ugana hortagaan garoonka diyaradaha magaalada Dhuusameen si ayan u siinin waxa ay ku sheegeen “karaamo uusan istaahilin”. Kheyre oo ku farxasan hadalka ka soo yeeray labad hogaamiye ayaa dhankiisa soo dhaweeyay aragtidaas.
MW Deni ayaa waxa uu sheegay in uu soo daahayo labo maalin isaga oo mar-marsiyo ka dhiganaayay in uu ka qayb galayo daahfurka xisbigiisa, halka Axmad Madoobe uu isna go’aansaday in xiliga uu Farmaajo imaanyo uu u dalxiis tagi doono magalaada Cadaado.
Kalsooni darida loo qaaday Qoor-Qoor & Deni iyo Axmad Madoobe oo si dadban uga gaabsaday
Labada hogamaaiye ee Deni iyo Axmad Madoobe ayaa waxa ay si gaar ah shaki uga qabeen daacadnimada Axmad Qoor-Qoor. Arintaan ayaana soo ifbaxday intii uu socday kulankii Kowaad ee Dowlad Goboleedyadda ee magaaalada Dhuusareeb.
Saciid Deni iyo Axmad Madoobe ayaa helay xogag rasmi ah oo muujinaya in Qoor-Qoor uu hoos kala xiriiro Farmaajo iyo Fahad Yasin, sidaas darteedna ayan talo badan ku aamini karin Qoor-Qoor. Madaxweyne Saciid Deni ayaa dhowr mar ku fakaray in uusan dib ugu soo noqon magalaada Dhuusamareeb isaga oo ka wal-walsan qiyaanada uu Qoor-Qoor u maleegayo madaxda dowlad Goboleedyada iyo Xasan Kheyre. Lakiin markii danbe waa lagu qanciyay in uu ku laabto magalaada Dhuusareeb.
Kulankii Beesha Daarood (Farmaajo, Deni iyo Axmad Madoobe)
Farmaajo oo hoos ula socday dhaq-dhaqaaqa Xasan Kheyre, iyo Kheyre oo ay madaxda dowlada goboleedyadu u arkeen in uu yahay qof aan wax badan kala socon siyaasadda dahsoon ee ka socoto daaha gadaashiisa, ayaa waxaa uu si gaar ah u balansaday madaxda Daarood ee ku sugnayd shirka kuwaas oo kala ah Deni iyo Axmad Madoobe.
Markii hore waxa uu u arkay si gaar-gaar ah, mudo sadax mar ahna waxa uu u arkay si wadajira, kulankaas oo intiisa badan u badnaa gar isu sheegasho iyo kala garbixid ayaa waxa sidoo kale looga hadlay sidii loo adkayn lahaa midnimada beesha Daarood, Farmaajo loogu taageeri lahaa qorshaha uu ka damacsan yahay dalka.
Inkastaa oo MOL ayan wali heli nuqulka (xogta) rasmiga ah ee shirkaas albaabada u xirnaa, hadana warar iskaabaya oo aan helnay ayaa sheegaya in uu ku dhamaaday isafagad guud, gaar ahaan xal u helida arimaha Jubbaland iyo sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka ka dhaxeeyay Farmaajo iyo reer Puntaland.
La soco qaybta Afaraad ee warbixintaan xasaasiga ah dhawaan: