Qoraalkaan oo ah Qaybtii Labaad, waxa uu daba socdaa qaybtii kowaad qormadii aanu uga hadalnay qaabkii uu Axmad Qoor-Qoor u shirqoolay Xasan Kheyre, sida loo dajiyay qorshahaas iyo guud ahaan qiyaanadii ka dhacday Dh/Mareeb.
Maxaa ka dhacay Dhuusameeb inta aan Faramaajo u safrin deegaankaas?
Inta uusan Madaxweyne Farmaajo tagin magalaadda Dhuusamareeb, Xasan Kheyre waxa uu kulamo gaar gaar ah iyo kuwa wadareed ahba la qaatay madaxda dowlad goboleedyada, isaga oo u xaqiijiyay madaxdaaas in uusan marnaba taageeri doonin qorshaha Farmaajo iyo hogaanka Baarlamaanka.
Sidoo kale Xasan Kherye waxa uu adeejiyay xildhibaano ka soo jeeda beesha uu ka dhashay, iyo wasiiro ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay hogaanka u hayaan Mustaf Dhuxuloow iyo Senator Dhagdheer kuwaas oo olole ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Mursal ka dhex bilaabay madaxda dowlad goboleedyada oo ay ku jiraan wasiirada, xildhibanada iyo lataliyayaasha Madaxda dowlad goboleedyada.
Waxaa habeen iyo maalin magaalada banaankeeda dalxiis loogu kaxeeyn jiray madaxdaas si loo mada’daaliyo loogana dhaadhiciyo qorshaha Xasan Kheyre. Lacagta ku baxday madaxdaas waxaa bixinayay Xasan Khyere iyada oo la marsiinayay Senator Dhagdheer, lacagta qaarna waxa la sheegay in ay ka imaan jirtay qasnada Galmudug.
Madaxweyne Axmad Qoor-Qoor oo fulinaayay qorshe uu dhigay Fahad Yasin ayaa u muujiyay Xasan Kheyre kalsooni ah in uu isaga la jiro, isla-markaana kala shaqeynayo qorshaha uu doonayo ee ah in laga horyimaado barnaamijka ay wateen Farmaajo iyo hogaanka baarlamaanka ee salka ku hayay mudo kordhinta.
Axmad Qoor-Qoor ayaa warbixin joogta ah oo ku saabsan dhaq-dhaaqaqa Kheyre iyo shirarka uu la galaayay madaxda dowlad goboleedka uu diri jiri Farmaajo iyo Fahad. Dhanka kale Fahad ayaa waxa uu Qoor-Qoor soo siin jiray talooyin iyo qaabka ugu fiican ee loo shirqooli karo Xasan Kheyre isaga oo aan la dareensiinin in lala socdo dhaq-dhaqaaqiisa.
Go’aanka iyo Qorshaha shaqa ka ceyrinta Fahad Yasin
Xasan Kheyre oo u muuqda mid aan war u haynin cadawga ku hareeraysan, ayaa waxa uu u sheegay Qoor-Qoor iyo Senator Dhegdheer in dhibka ugu daran uu ku hayo Fahad Yasin, isla-markaana uu Fahad kala wareegay awoodii iyo saameyntii uu horay ugu lahaa Farmaajo.
Kulan ay isugu yimaadeen Kheyre iyo xildhibaano iyo ganacsato ka soo jeeda beesha Murusade oo uu hogaanka u hayo Ganacsadaha ay ehelka yihiin Kheyre ee lagu magacaabo Maxamed Cabdikarin (Gaambe) ayaa lagula taliyay Kheyre in sida kaliya uu gacanta ugu hayn karo Farmaajo ay tahay in uu isku diro Fahad & Farmaajo shakigana kala dhex dhigo
Xasan Kheyre ayaa fakarkaas ah in la isku diro Fahad & Farmaajo uu la wadaagay Axmad Qoor-Qoor, iyada oo markii uu hadalka lala wadaagayay uu la joogay Senator Dhagdheer oo aaminsanaa in uu isagu leeyahay Axmad Qoor-Qoor. Sida MOL ay u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah, Qoor-Qoor ayaa durbadiiba la wadaagay qorshaha Kheyre, Fahad Yasin, ka dibna uu si toos ah ugu sheegay Farmaajo.
Fahad Yasin oo aad uga careysan qorshaha Xasan Kheyre, horayna shaki ugu jiray, ayaa dhankiisa waxa uu kulan saacado qaatay la qaatay Farmaajo isaga oo ku qancinaayay in sida ugu dhaqsiyaha badan leh looga taqalusaa Xasan Kheyre, hadii xataa ay suurtagal tahay in la ceyriyo Kheyre inta Farmaajo uusan u dhoofin magalaada Dhuusamareeb taas oo ku beegnayd bisha Julaay 18keeda.
Fahad oo qalabka wax lagu dhagaysto u diray Dhuusamareeb
Fahad Yaasin oo aad uga carooday talaabada uu Kheyre la damacsan yahay, isla markaana aan si buuxda ugu kalsoonaynin warbixinta uga timaado Axmad Qoor-Qoor ayaa waxa uu go’aansaday in xafiisyada iyo hoyga Kheyre ka degan yahay magalaada Dhuusamareeb lagu xiro qalabka la iska dhagaysto kaas oo u saamaxaya Fahad in uu dhagaysto shirarka gaar-gaarka ah oo uu Kheyre la galaayay Madaxda Dowlad Goboleedyadda.
Fahad ayaa diyaarad xamuul ahayd oo qalab loogu waday Dhuusamareeb waxa uu raaciyay qalabka la isku dhagaysto. Qalabka waxa gacantiisa ku soo qaaday will dhalinyaro ah , farsamayaqaan ah oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Yare. Sida MOL loo xaqiijiyay Maxamed Yare oo laga yabaabo in uu yahay magac been abuur oo lagu qarinayo magaca rasmiga ayaa ku tagay magalaada Dhuusamareeb in uu yahay wariyre ka socda degaanka Dowlad Goboleedka Puntland.
Imaatinka wiilka iyo shaqada uu qabanayo waxaa si hoose ula socday Axmad Qoor-Qoor oo kali ah. Dhanka kale nin magaciisa lagu sheegay Macalin Mahdi oo ka soo jeeda beesha reer Xaaji Saleebaan. MOL ma xaqiijin karto in Macalin Mahdi wax badan ka ogaa qorshaha Fahad, laakiin isaga ayaa lagu amray in uu wiilkaas dajiyo hooy isla markaana uu ka cawiyo in uu tago xarumo lagu sheegay in uu ka caawinayo dhanka Internetka.
Tobankii cesho ee u danbeeysay ee uu Kheyre joogay Dhuusamareeb, Fahad iyo Farmaajo waxa ay si joogta ula socdeen dhaq-dhaqaaqa Kheyre iyo kooxaha u adeega ama kala shaqeeynayay qorshahaas.
Ma aha kaliya in Axmad Qoor-Qoor fududeeyay la socoshada Xasan Kheyre, balse warar aan wali helin xaqiijin rasmi ah ayaa sheegaya in marmarka qaar uu Qoor-Qoor isticmaali jiray Taleefankaiisa si uu warka uga duubo Xasan Kheyre. Waxa aan ku daba jirnaa xaqiijinta ficilkaan la sheegay in uu Qoor-Qoor ku kici jiray ficil noocaan ah.
Fahad Yasin oo dagaalka Kheyre soo galiyay Gudoomiye Mursal iyo Muudey
Xasan Kheyre ayaa kulan albaabada u xiran yihiin la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Lafta Gareen. Kulankaas oo uu si toosa u dhagaysanayay Fahad Yasin isla-markaana loo duubay Farmaajo ayaa Kheyre ku cadeeyay in uu kala shaqeyn doono Cabdicasis in soo xusho xildhibaanada wixii dhaqaale uu u baahnaadana uu isagu siin doono.
Kheyre ayaa sidoo kale uy balan qaaday in lacag la’aanta heysto Lafta Gareen ay dhamaan doonto marka uu Muqadisho ku noqdo.
Lafta Gareen oo ciil u qaba Gudoomiyaha Baarlamanka Fedaraalka Mursal iyo ku xigeenkiisa kowaad Mudeey, ayaa ka codsaday Kheyre in uu ka caawiyo sidii Baarlamaanka looga saari lahaa labadaas nin, isla-markaana loola dagaali lahaa inta aan la gaarin xiliga doorashada.
Xasan Kheyre oo aad ugu faraxsanaa codsiga ka yimid Cabdicasis Lafta Gareen, ayaa balan qaaday dhankiisa in uu isagu xaqiijin doono in labadaas nin ayan soo noqon, amaba ay ku sii nagaadaan xubin ka sii ahaanshaha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.
Dhankiisa Lafta Gareen ayaa u balan qaaday Kheyre in 78da xildihibaan ee ka soo baxaysa Dowlad Goboleedka Koonfur Galabeed ay noqon doonaan kuwo uu Kheyre gacantiisa ku soo qorto.
Maalin ka hor maalintii Farmaajo u safrayay Dhuusamareeb ayaa waxa kulan albabaada u xiran yihiin yeeshay Mursal, Fahad iyo Farmaajo, halkaas oo loogu sheegay qorshaha ka dhanka ah Mursal ee ka socda magaalada Dhuusamareeb. Gudoomiye Mursal oo yaab ka soo haray ayaa ku cel-celiyay ma hubtiin in atinkaan jiro, markaas ayaa Farmaajo ugu jawaabo “ cadayno ayaan haynaa, sida aan u ogahay in aan u dhimaanayo ayaan u ogahay wixii dhex maray Kheyre iyo Lafta Gareen”. Mursal ayaa u sheegay Farmaajo in uu la tashan doono Cabdiwali Mudeey, wixii talo ama talaabo la qaadi lahaana uu dib ugula soo noqon doono isaga.
MOL ma hayso cadeeymo la xiriira in Lafta Gareen uu la wadaagi jiray Farmaajo kulamada gaarka ah ee uu la qaato Kheyre. Ilo muhim ah ayaa sheegayo in Farmaajo iyo Lafta Gareen iska warhayeen, laakiin Kheyre ahaa mid loo heshiiyay in lagu rido shirqool siyaasadeed.
La soco qaybta sadaxaad ee warbixintaan xasaasiga ah dhawaan: