(Q. 2aad) Fadeexada safaarada Soomaalida & Canada oo qarka u saaran inay ceyriso safiirka

Reading Time: 3 minutes

Sida MOL ay horay idinkuugu soo gudbisay, safaarada Soomaaliya ee dalka Canada ayaa   waxaa ka jira fadeexad saameysay dadka Soomaalida ee ku dhaqan dalka Canada iyo guud ahaan hab-maamuska ay dowlada Canada siisay safiirka cusub ee Soomaaliya. Qaybtii koowaad ee qormaadan ayaan si faahfaahsan uga hadalnay fadeexada ka dhalatay safaraada iyo walaac ay ka muujisay dowlada Canada.

Waxaan halkaan idinkuugu soo gudbinaynaa qaybta labaad ee ugu danbeysay warbixinteena.

Waraaqaha aqoonsiga  iyo lacagaha la doonayo in laga sameeyo

Safiirka oo baahi badan u qabo in uu helo dhaqaale  deg-deg ah oo uu ku maareeyo noloshiisa iyo mid uuu doonayo in hanti gaar ah ka sameeyo ayaa waxa uu la yimid qorshe cusub kaas lacag uga qaadanayo shacabka Soomaaliyeed ee baahida u qabo inay helaan waraaqaha aqoonsiga.  Dadka Soomaaliyeed ee ka dalbaday  dalka Canada in qaxootinimo  loo qaabilo  ayaa lagu xujeeyay inay soo cadeeyaan in ay yihiin Soomaali.

Safiirka ayaa sheegay in qofkii u baahan in uu helo waraaqo aqoonsi ah laga qaadayo lacag gaaraysa $1,000 (kun doolar), lacagtaaasna ay si toosa u qaadan doonto safaarada. Hadii ay u suuragasho qorshaha safiirk ku  doonayo in  $1,000 ka qaato dadka xiligaan u baahn waraaqaha aqoonsiga  oo gaaraya in ka badan shan kun oo qof, waxa uu ka sameeynayaa aduun gaaraya shan Milyan  oo doolar. Waa arin argagax leh in qof Soomaali ah lagu qasbo in uu biixiyo lacag intaas la eg  si uu u helo waraaqo aqoonsi ah oo uu xaq u leeyahay.

Dhanka kale, sida uu qabo sharciga Wasaaradda Arimaha Dibada , saafarad Soomaaliyeed ma jaan gooyn karto,  mana qaadi karto lacag gaar  ah oo aan toos ugu dhacaynin qasnada safaarada Wasaarada Arimaha Dibadda.

Safaraadii oo laga dhigay “Cabdalla shideeyo” waraaqo been abuur ah lagu daabaco

Safiirka (Xasan Dahir Dhimbil) oo ay u muuqato in uu lacag  deg-deg ah ka sameeyo safaarada   ayaa qorsheynaya in uu dhawaan soo iibsado makiinadaha lagu daabaco waraaqaha aqoonsiga. Makiinadaha  oo la dhigi doono guriga Safiirka, (madaama ayan jirin xafiis safaarad oo lagu shaqeeys). Waraaqaha (identity cards) ay iibin doonto safaraada   ayaa noqon doonto kuwo  been abuur ah.

Dowlada Canada oo arintaas ka warheshay ayaa uga  digtay safiirka in uu qaado talabaao noocaas ah taas oo keenaysa in lagu soo oogo danbi ama laga masaafuriyo dalka Canada. Safirika wali kama tanaasulin in uu makiinadaha daabaca waraaqaha aqoonsiga  uu gurigiisa soo dhigto si uu u daabaco waraaqo aqoonsi  (identity Cards) oo ayan wax war ah u haynin dowladii isaga soo dirsatay.

Qunsulkii Farmaajo soo magacaabay oo loo diiday in tago Canada

Dowlada Canada ayaa  gabi ahaanba ka mamnuucday in uu dalkeeda soo galo ninka uu Farmaajo u magacaabay qunsulka guud ee magalaada Toronto kaas oo lagu magacaabo Dayib M. Sheikh Axmed. Ninkaan oo haysto dhalashada dalka Mareykanka ayaa diidmadiisa lala xiriiriyay danbiyo uu horay uga galay dalka Maraykanka  iyo dagaal kaga yimid safirka  Safaarada Soomaaliya ee Canada.

Dhanka kale, safiirka Farmaajo u soo magacaabay Canada, Xasan Dahir Dhimbil  ayaa waxa uu ka shaqeeyay in uu fashiliyo  imaatinka Dayib M. Sheikh Axmed ee Canada. Sida ay noo xaqiijiyeen dad ku dhaw safiirka, dacwada Dayib lagu soo oogay ayaa waxa ka shaqeeyay safiir Xasan Dahir. Ma cada sababaha ka danbeeyay diidmada safiirka uu ku diidan yahay in Dayid ku soo biiro hogaanka safarada. Waaa macquul ah in ay la xiriirto arimo dhaqaale.

Ugu danbeyntii, waxa nasiib xumo ah Farmaajo uu dalka Canada oo muhiimad gaar ah u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu u magacaabo shaqsi aan qibrad lahaynin isla markaana aan ka tarjumeynin danaha Qaranka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!