Puntland, Jubaland & Madasha Xisbiyada, Maxaa la Gudboon Mar haddii laga Tashaday?

Reading Time: 3 minutes

Sida muuqata waxaa mugdi ku sii dhacay jihadi Siyaasadda dalka, waxaana soo baxaya hadallao iyo dodo iska hor imanaya oo keenaya inaan dhinacna loo dhaqaaqin. Shirkii Dhuusamareeb oo ay ka maqneyd beesha Daarood waxaa ka soo baxay qodobo is wada burrinaya iyo kuwa midba uu dhinac u jeedo.

Somaliya waxay ku dhisan tahay awood qeybsi ku saleysan 4.5, lagamana bixi karo iayada oo aan sharci lagu badalaa barlamanka la geyn. Haddaba shirka Dhuusamareeb go’aankiisa waxaa uu ka horimanyaa awood qeybsiga beelaha Somaliyeed ay heshiisku ahaayeen. Dowlad Goboleedyada (DG) beesha daarood waxay ka maqnaayeen goobta uu shirka ka dhacayo, dowladda Federaalkana dadaal kuma bixinin in goobta la keeno hogaamiyaasha DG-yadaas ee kuwii joogay ayey waxay rabta soo marsiisatay.

Hawiye iyo R/weyn ma tali karaan beesha daarood DG-yadooda ee waxay matali karaan kuwooda. Madaxweynaha inkasta oo dhalsho ahaan Daarood yahay haddana kuma fadhin kursiga Daaroodnimo ee waxaa uu ku fadhiyey magaca dowladda Federaalka oo dadka Somaliyeed waa u dhaxeeyaa haddiisa uu hadlo sidii nin Darood ah waxaa ka Meesha ka baxaya Madaxweynenimada.

Haddaba qoddobadaan waxay cadeeynayaan in waxa ka soo baxay shirkaas aysan guntamaeyn waayo

  1. Waxaa ka maqnaa labada DG ee Puntland iyo Jubaland oo aan xataa guddiyada ku jirin.
  2. GMDQ oo aan u wakiilashadooda loo dhameyn maadaama ay ka maqan yihiin labada dowlad goboleed oo muhiim ah lana rabo inay doorashado ka dhacdo dhuka ay gacanta ku hayaan.
  3. Guddiga oo ah mid toos ugu xeran MW Farmajo waxaa la siiyey awoodo khalad ah oo usan lahayn, hadhowna ay oran doonto Xaliima Yarey, sida caadaadeeda ah aniga shaqo kuma lihi, waayo guddigan oo sharci ahaan horay dhacay, kadib markii uu doorashada shegay inuusan ku qaban Karin waqtigeeda ayaa haddana si xaal mastuur ah ku jooga waana in la iska hubiyaa waxa lagu aaminayo.

Haddaba marka waxa ka le laga soot ago oo loo arko khaldaad farsamo oo la sixi karo waxa arrinkan dhaawacaya oo cabsida leh waa ka maqnaashaha labada DG ee Jubbaland iyo Puntland , tan oo keeni kartaa inay qabsadaaan doorashooyinkooda  gaarka ha ama sidii Somaliland goonni isu tag ku dhawaqaan maadaama laga tashaday oo la yiri jooga ama ha joogina waa la idiin talin.

Haddaba arrimahan oo dhan waxaa u MW Faramjo u sameynayaa:

  1. Inuu ku cimri dheeresyto oo muran, maya iyo haa lagu sii jiro inta uu ka helayo waxa uu rabo oo ah inuu sallaxdo dorasho ku sheeg uu kursiga kula soo noqdo.
  2. Inuu degmooyinka Xamar ee uu ka taliyo sida Nuska warta Nabadda, X/Weyne, X.Jajab, Shingaani iyo waaberi uu geliyo xaalad cabsi leh oo waliba uu ku soo rogo amar degdeg ah,kadibna uu yiraahdo doorasho ayaan ka qabanayaa.
  3. In guud ahaa dalka uu burburiyo haddii uusan isaga sii joogeyn oo marsiiyo waddadii adeerkiis.

Maxaa la gudboon Dadka Somaliyeed?

  1. In dedgdeg ah loogu hawlgalo sidii Farmaajo talada looga qaadi lahaa iyadoo la isticmaalayo waxkasta oo suuragal ah.
  2. Inay masuuliyadooda qataan madaxda Xisbiyada tayada leh, gudoonka aqalka sare iyo Dowlad Gobleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ay isugu tagaan shir talo wadaag ah oo looga arrinsanayo sidii dalka loo badbaadin lahaa.
  3. Waa in dawladdaha Puntland iyo Jubaland si degdeg dib ugu yeertaan Xildhibanadooda labada gole si ay wada tashi ula sameystaan si aan qeyb looga noqon burburka dalka ku socdo.
  4. In beesha Caalamka loo sheego inay bannaanka ka joogto arimaha Somaliya  madaama aysan diyaar u ahayn inay ka qaadato sidii cadaadis loo saari lahaa dowladdan dalka baabi’ineysa.
  5. In la dhaleeceeyo haddalladii daciifka ahaa ee Golaha amaanka oo u fududeeyey Farmajo inuu qaado tallaabooyinka Dh/Mareeb ka dhacay ee qaran duminta ah.
  6. In dowlad Goboleedyada G/Mudug, H/SHabeelle iyo K/Galbeed loogu yeero inay ka baxaan dhaamaan heshiiska qaran Dumiska ay ee ay soo saxeen, haddii ay rabaan inay bulshada Somaliyeed wax la qabsadaan.
  7. In Dadka Muqdisho loogu yeero inay sameystaan wakiil lala hadali karo, meelkna ay iska dhigaan wilkan oo uu Sidkaday Farmaajo oo ah Cumar Finish.
  8. In dhammaan xildhibaanadda xelligaan masuuliyadda xildhibaannimo beelahooda iyo guud ahaan qaranka u hayaa ka fiirsadaan inaan dowladdaan lagu kaalmeyn inay dalka burburiso, lana ogaado inmar uun lala xisaabtami doono laguna abaal marin doono qof waliba gacanta ay ku lahayd.