Puntland oo xukuntay xubno ka tirsan Al Shabaab Iyo daacish

Reading Time: < 1 minute

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntland ayaa xukuno kala duwan ku fulisay xubno ka tirsan kooxaha Argagixisada ee Shabaab iyo Daacish oo falal isugu jira Dilal iyo qarxyo ka gaystay gudaha Puntland.

Xarunta  uu xukunka ka dhacay waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha laamaha amnig, Xeerilaalinta iyo garsoore yaal sare.

tirada maleyshiyaadka la xulumay ayaa gaaraysa ilaa iyo 10 qof oo laamaha amniga ay ka soo qabteen meelo kala duwan.

Puntland ayaa dagaal kula jirta Ururada Daacish iyo Shabaab oo fariisino kuleh buuraayda Golis iyo Calmadow, halkaas oo ay weeraradooda ak soo qorsheeyaan.