Puntland oo xukun dil ah ku riday Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda Dajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Ceyn ee Maamulka Puntland ayaa waxaa maalintii labada la horkeenay Shabakad la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo dilal qorsheysan ka fuliyay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Eedeysanayaasha oo gaaraya ilaa 8  Ruux ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Puntland waxaa ay Magacyadooda ku kala sheegtay, Feysal Axmed Bashiir, Sahal Cabdullaahi Jaamac, Idiris Maxamed Afyare, Salman Maxamuud saleemaan, iyo Jaamac Muruudi Xuseen Maxamed, Maxamed Cabdi Raage Indhabuur, Cabdirisaaq Axmed Buraale iyo Maxamed Cumar Muudey.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Dajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Ceyn waxaa ay Maxkamadda ku eedeysay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, sidoo kalena ay dhamaantood ka dambeeyeen dilal mas’uuliyiin iyo askar loogu geystay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Dajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Ceyn  ee Puntland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Cabdi Shire ayaa sheegay in dhamaan Shanta ragga ah ay  Maxkamadda ku riday xukun dil toogasho ah, iyaga oo loo heysto dilal ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo laga soo bilaabo sanadkii 2008-dii.