Maxkamadda darajada kowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Puntland ee goballada Mudug iyo Cayn, ayaa xukun dil ah ka riday 10 kamid ah maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo dilal iyo falal kale oo amni daro ka geystay Gaalkacyo.
Maleeshiyaadka Alshabaab ee xukunka lagu riday ayaa maalmihii lasoo dhaafay maxkamadeyntoodu ka socotay hoolka Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland ee Gaalkacyo.
Xubnaha oo lagu soo qabtay howl-gallo ayaa qaar kamid ah lagu helay in ay ka dambeeyeen dilka alle ha u naxariistee Wariye Jamaal Faarax Aadan. Xubnaha xukunka lagu riday ayaa kala ah:
1. Cadde Cabdulahi Maxamed Cilmi
2. Cabdiqani Saleemaan Jaamac Sayloor
3. Xasan Jaamac Maxamed
4. Maxamed Cali Axmad Muuse
5. Farxaan Faysal Salaad Xirsi
6. Cabdulahi Faysal Xuseen
7. Barkhad Cawil Xirsi Nuur
8. Liibaan Aaden Muuse
9. Cabdiqani Farxaan Abdulahi
10. Cabdiraxman Cawil Maxamed
Maxkamdeynta heerarka Racfaanka iyo Sare ee ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa ka sii soconaysa maalmahan Gaalkacyo, si loo dhameystiro xukunka Ragga Al-Shabaab ee ku jira xabsiyada Gaalkacyo.