Puntland oo xabsiga dhigtay Mas’uuliyiin sar sare!!

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowlad goboleedka Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradiisa loo xirxirey arrimo la xiriira musuq maasuq iyo lunsasho lacageed.

In kastooo Wasiirka uusan shaacin  tirada mas’uuliyiinta ay u xireen musuq maasuqa ayaa hadana waxa uu sheegay in dhawaan mas’uulyiintaas Maxkamad lasoo taagi doono si loo marsiiyo waxa uu Sharciga qabo.

Waxa xusay Wasiirka in aysan aqbali karin in qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda ay musuq maasuqaan hantida dadweynaha,isla markaana Shaqada kaliya aan laga ceyrin doonin, balse Maxkamad lasoo taagi doono.

Waa markii ugu horeysay oo Shaqaaloka tirsan mid ka mid ah Wasaaradaha Puntland loo xiro eedeyn musuq maasuq,hayeeshee waxaa laga warsugayaa waxa kasoo baxa hadalka Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowlad goboleedka Puntland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya aya horay waxaa ay u xirxirtay Mas’uuliyiin ka tirsana Xukuumadda Soomaaliya,kuwaas oo lagu eedeeyey falal la xiriira musuq maasuq iyo lunsasho lacageed.