Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland mudane Xasan Shire Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada boosaaso ayaa maanta ka qaybgalay kulan ka dhacay xarunta gobolka bari oo ay isugu yimaadeen Maamulka gobolka, kan degmada Boosaaso iyo taliska ciidanka ammaanka.
Shirka waxaa kaloo Wasiirka ku weheliyey Wasiirka amniga, Wasiirka Dekedeha Wasiirka Haweenka iyo taliyaha qaybta booliska Gobolka, Duqa Degmada iyo Masuuliyiin kale.
Shirka ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayey dhaqan gelinta go’aamdii ka soo baxay guddigii Madaxweynaha dowladda Puntland u xil saaray xasilinta suuqyada & wax ka qabashada qiima dhaca shilling Soomaaliga