Golaha Wasiirada Dowlad goboleedka Puntland ayaa qodobadii ay shalay ka doodeen waxaa ka mid ahaa u diyaar garoowga Shirka Maalgashiga oo la filayo in uu dhawaan Magalada Garoowe ka furmo.
Golaha ayaa Warbixin waxaa ay ka dhageysteen Guddiga diyaarinta Shirka Maalgashiga Puntland,kaas oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Ganacsiga Maamulka Puntland,waxaana Shirka ka qeyb-geli doona Shirkaddo Heer Caalami ah.
Shirka Shirka Maalgashiga ayaa la filayaa in uu Garoowe ka furmo 15-17 Bishaan,waxaana u jeedka Shirkaasi loo soo bandhigo in Aduunka loo soo bandhigo fursadaha Maalgashi ee ka jira Puntland.