Xukuumadda Puntland ayaa Todobaadkan si rasmi ah u caddaysay mowqifkeeda ku aaddan dhismaha maamulka SSC-Khaatumo. Puntland ayaa garab weyn u ahayd shacabka Gobolka Sool ee ka soo horjeeda maamulka Somaliland.
Puntland ayaa dhaqaale iyo hub ku taageertay hogaanka SSC-Khaatumo. Ilaa iyo hada Puntland kama aysan hadlin mustaqbalka deegaanka Khaatumo marka laga xureeyo Somaliland. Puntland ayaa hada diyaar u ah inay taageerto dowlad goboleed ka hana-qaada deeganada SSC-Khaatumo.
Wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamed Siciid Faroole ayaa hadal uu jeediyay Axaddii ku bayaaniyay mowqifka dowladda Puntland ka taagan tahay hirgelinta SSC-Khaatumo.
Wasiir Maxamed Siciid ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Deni ay aqoonsan tahay go’aanka kasta oo ka soo baxa Isimada dhaqanka SSC islamarkaana ku taageerayso. Hadalka wasiirka ayaa wadada u sii xaaraya go’aan taageero ah oo ay qaadan doonaan hay’adaha dowliga ee Puntland.
Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in Puntland ay mowqifkaas ku wargelisay wakiilada Beesha Caalamka taasina keentay in markii danbe Beesha Caalamkuna ku raacdo Puntland.