Wasiirka wasaaradda caddaaladda dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa sheegay in kooxda Tagfiirku ay ku soo badanayso Puntland aysanna xukuumaddu u dulqaadan doonin.
Wasiir Xaamud wuxuu sheegay in xukuumaddu aysan aqbali doonin inay furtaan goobo waxbarasho ama masaajiddo ay leeyihiin ama maamulaan si bulshada looga qabto waxyeeladooda iyo fidistooda.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash oo ka hadlay falalka Kufsiga ee Puntland ayaa yidhi:”Waxa dhacayaa wax fiican maaha, ilaahay waxaan ka baryayaa in aanu innagu ciqaabin, anigu innagoo ilaahay hortiisa taagan makhraati innagu furi maayo, waxaan shacabka ka codsanayaa in ay in aan dabiilayaasha soo qabashadeeda nagala shaqeysaan, waxaan cidda ku shaqada leh ka ku amraynaa in ay dedejiyaan xukunkooda oo muddo dheer qaadan”.
“Takfiirka iyo kuwa kale ee dadka laayaa in ay isku xidhan yihiin ayaa lay sheegey, wixii faafaya waxaan sheegayaa in wax laga qabto, anigu culimadaas badan makala aqaan lakin haddii ay jirto kuwo balo wata in aan iska qabanno ayaan doonaynaa oo Qamiisyo inoo soo qaadan”