Puntland oo soo gaba-gabeeysay sixitaanka Imtixaanka Shahaadiga ah ee 8-aadka

Reading Time: < 1 minute

Wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa sheegtay in la soo geba-gabeeyay sixitaanka Imtixaanka Shahaadiga ah ee 8-aadka. War ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa lagu sheegay in la dhammaystiray sixitaanka Imtixaanka, islamarkaana todobaadka soo socda la shaacin doono natiijadiisa.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ka hadashay sababaha keenay, in uu markii hore dib u dhac ku yimaado sixidda Imtixaanka, xilli uu bilowday sannad-dugsiyeedka cusub iskuulada Waxbarashada. “Saxidda Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Puntland ayaa dib u dhac ku yimid markii ugu horraysay, iyada oo ay sababtay duruufo kale duwan oo ka mid yahay xannuunka COVID-19.” Ayay tiri wasaaraddu.