Puntland oo soo bandhigtay cudud ciidan & Deni oo sheegay 1500 ciidan la tababaray

Reading Time: < 1 minute

MW Siciid Deni oo habeenkii xalay ka hadlay Munaasabaddii Xuska 1-da Agoosto oo ku beegan aas-aaska Dowlad Goboleedka Puntland  ayaa sheegay in ay diyaar yihiin 1500 (kun iyo shan boqol) oo booliis ah, kuwaasi oo soo dhammaystay tababarada noocyadooda kala duwan.

Dhoolatuskii shalay ay soo bandhigeen ciidamada kala duwan ee Puntland ayaa waxa laga arkayay cudud iyo awood ciidan oo aan horay loogu arkin Puntland.Deni ayaa xalauy sheegay in la dayac-tiray Xeryihii ciidanka Daraawiishta Puntland, islamarkaana ay dardar ku socoto kala hufidda ciidamada iyo sare u qaadidda aqoontooda, agabkooda iyo daryeelkooda.

“Waxaa diyaarsan oo tababaradii u dhamaadeen illaa 1,500 oo boolis ah, waxaa dhamaystirmay dayactirkii xeryaha daraawiishta iyadoo ay dardar ku socoto kala huf ka ciidamada iyo sare u qaadista aqoontooda, agabkooda iyo daryeelkooda” ayuu yiri madaxweyne Deni

Dowladihii isaga danbeeyay Puntland ayaa lagu eedeyay in ayan daryeelin ciidamada tayo ahaan iyo dhaqaale ahaan. Saciid Deni ayaa u muuqda mid doonayo in uu awoodiisa isugu geeyo in uu sare u qaata ciidanka Puntland.

Xafaladii Xalay ayuu MW Deni tilmaamay in xukuumaddiisu ay mudnaanta kowaad siinayso sugidda amniga iyo dhismaha ciidan xoog leh oo ku filan ilaalinta nabadgelyada iyo difaaca xuduudaha Puntland.

“Yool ka ugu wayn oo mudnaanta koowaad aan siinay, waa sugidda amniga iyo tayaynta xoog ciidan oo ay leedahay dowladda Puntland, kuna filan sugidda amniga gudaha Puntland oo ay ugu horreyso ciribtirka Argagixisada iyo ilaalinta xuduudaha bad iyo berriba” ayuu raaciyay.