Puntland ayaa beenisay in ay qeyb ka tahay dagaalka Laascaanood, waxayna beenisay war kasoo baxay Somaliland oo ahaa in ay Puntland qeyb katahay ciidamada dagaalamaya.
Xukuumadda Puntland, ayaa Somaliland ku eedeysay in ay abuurtay kooxda Argagixiso ee Al Shabaab, si koonfurta dalka u gubato, Waqooyi Galbeedna u dhisanto, dhaawacyadooda lagu dabiibo magaalooyinka Somaliland, Baasabaroodana looga sameeyo dalka Jabuuti, sidaas waxaa sheegay wasiirka Warfaafinta Puntlad.
Puntland ayaa cambaareysay, ergayga Madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay wada hadalada Somaliland & Dawladda faderaalka, waxayna kusifeysay in Xasan Sheekh aan waxba siyaasad ah u kordhin, oo uusan garowsaneyn Midnimada dalka.
Wasiirka warfaafinta Puntland, ayaa sheegay in dawladda Faderaalka looga baahan yahay in ay taageero nooc kasta oo ay tahay ay siiso dadka deegaanada SSC, oo u taagan Midnimadii Soomaaliyeed.