Puntland oo si kulul uga jawaabtay hadalkii been abuurka ee Wasiir Goodax

Reading Time: < 1 minute

iyada oo ay ka soo wareegay saacado ka dib markii Wasiir Gooday ka been abuuray imtixaaanadka ka socda Puntland ayaa Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Farmayeeri ayaa sheegay in Imtixaanaadka Puntland ay si habsami leh u socdaan, isla markaana ay maalinkii 1aad kusoo gabagaboobeen si wanaagsan.

Agaasimaha ahaa yiri: ” Waxaa si habsami leh u socda imtixaanka shahaadiga Puntland dhamaan xarumihii maantay si guul ah ayey ku soo gaba gabeeyeen maalintii labaad ayaan u gudubnay dhamaan hawl wadeenada iyo ardayda imtixaanka guul ayaan u rajaynayaa ” Ayuu yiri Agaasimuhu.

Warka agaasimaha ayaa  ujeedadiisu ahayd in laga dabatago beenta uu faafiyay wasiir Godax oo ku sugan Jowhar uu sheegay in imtixaanaadkii Puntland Fashilmeen.