Ciidankii Somaliland u fadhiyay degaanka Shimbiraale ee duleedka Ceerigaabo ayaa gebi ahaanba isaga baxay Somaliland sida ay sheegatay Puntland. Ciidankan oo ku gaashaaman gaadiidkii dagaalka ee Somaliland ayaa Axaddii shalay ku biiray ciidamada Daraawiishta Puntland.
Abbaanduulaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland S/Guuto Xuseen Dheere ayaa si rasmi ah ula wareegay ciidankan iyo hubkooda. Gen. Xuseen Dheere ayaa ballan-qaaday in ciidankan ay mushaarka iyo xuquuqdooda oo dhammaystiran ka heli doonaan dowladda Puntland.