Puntland oo sheegtay in la soo abaabulay kufsiga ka dhaca deegaanadeeda

Wasiirka Wasaaradda Arrimha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad ayaa shaaciyey halka ay ku dambeeyeen baaritaanada ku aadan kiisaska  kufsiga ah ee bilihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanada puntland xilli Maanta banaanbax looga soo horjeedo kufsiga lagu qabtay Garoowe.

Waxa uu sheegay Wasiirka in kufsiyadii dhacay oo ugu weynaa kufsigii iyo dilkii Caaisho Ilyaas dhamaantood dad loo hayo,isla markaana baaritanadooda ay xilligaan marayaan gebagabo,waxaana uu sheegay in dad badan ay qabaan walaac ku aadan in aysan cadaalad helin ehelada dadka la dhibaateeyey.

Puntland ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay falal la xiriira iyo kufsi kuwaas oo ka duwanaa kuwii horey u dhacay,waxaana walaaca badi dadka reer puntland ay qabeen ay aheyd kufsiga iyo dilka lagula kacayo Haweenka ku nool deegaanada Maamulka puntland.

Advertisements