Puntland oo sheegtay in isbitaallo casri ah la furi doono oo loogana maarmo dibadda

Reading Time: < 1 minute

Shirweynaha Qurba-joogta Puntland oo muddooyinkii danbe ka socday magaalada Garoowe ayaa xalay la soo geba-gabeeyay. Shirka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed qodobaysan oo ku saabsan arrimihii looga hadlay mudadii shirkaas socday.

War-murtiyeedka ayaa soo jeediyay in wax laga qabto guud ahaan xarumaha iyo adeegyada caafimaadka Puntland. War-murtiyeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in dowladda iyo Qurba-joogtu iska kaashadaan hirgelinta isbitaallo takhakhus oo looga maarmo caafimaadka dibaddda.

Qurba joogta ayaa balan qaaday in deeganada hoostaga Puntland laga hergailn doono isbitaalo casri oo ay noqon doono kuwa daawo caafimaad looga soo doonto dalka Soomaaliya goud ahaantiisa.