Puntland oo sheegtay in ay soo afjareeyso dagaalka kala dhexeeyo Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland oo mudo soo noq-noqanayay ayaa mas’uulyiin ka tirsan dowlada Puntaldn sheegeen in ay soo afjarayaan dagaalka kala dhexeeya Somalialnd. Wasiirka amniga oo la kulmay taliyayaasha ciidamada , lana hadlay ciidamada waxaa uu digniin u diray maamulka Somaliland, isagoo sheegay in dulqaadkii ka dhammaaday Puntland, oo ay haatan diyaar u tahay inay gaadho xuduuda rasmiga ah ee Puntland iyo Somaliland.

Wasiirka ammniga Puntland C/samad Gallan oo uu weheliyo Taliyaha ciidamada daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere ayaa gaaray jiida hore ee degaanka Yube, halkaasi oo fadhiyaan ciidamada Puntland ee Gobolka Sanaag.

Dhanka kale Taliyaha ciidamada Darwiishta Puntland Sareeya Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa dhinaciisa wuxuu sheegay in Somaliland ay weerar dandaansi oo gardaro ah ku soo qaaday Degaamadda Puntland, taliyuhu wuxuu boggaadiyay ciidamada difaaca ku jira.

“Wax badan baanu wax xeerinay, wax badan baanu nabadgelyada ilaalinay, wax badan baanu niri xaalada qaboojiya oo dib u dhiga, balse waxaad moodaa inaysan marna waatoobaynin, waxaanu ballanqaadayn aa oo hortiina ka ballanqaadaynaa inay jawaab deg deg ah oo taariikhi ah inay kala kulmaan damaca iyo weerarka ay ku soo qaadeen Jiida aynu joogno” ayuu yiri wasiirka amniga, wuxuuna sii raaciyay

Waad ogtihiinoo difaaceena iyo degaankeena asalka ah waa ceerigaabo, waxaanu ka fekeraynay Ceerigaabo nabadgelyo ma lagu wada noolaan karaa sida Galkacayo Nabad loogu wada noolyahay, Marka inay gudaha innogu yimaadaan oo inna damaaciyaan iyagoo shabaab horgalo u ah” ayuu yiri wasiir Gallan

Waxaa sidoo kale isna ka hadlay arintaan Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Cali Xuseen Somali, Duqa degmada Badhan Axmed Maxamed Timir iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Jiida hore ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada degaanka iyo ciidamada. Maalintii arbacadii ee toddobaadkan ayaa waxaa dagaal uu ku dhexmaray magaalada Hadaaftimo ciidamada Somaliland iyo Puntland, dagaalkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac