Puntland oo shaacisay in Paul Formosa uu ahaa nin qaatay diinta Muslimka (VIDEO)

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa ka hadlay dilka agaasimihii hayadda P&O Ports Paul Formosa oo dhowaan lagu diley magaalada Boosaaso.

Wasiir Raage oo saxaafaddu wax ka waydiisay arrimaha diimeed ee ninka la diley ayaa sheegay inuu ahaa shaqsi Muslimay qaatayna diinta Islaamka, kahor inta aan la dilina uu la baxay magaca Ibraahim.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!