Puntland oo shaacisay in dhawaan aysoo bandhigi doonan baaritaankii weerarkii lagu dilay Gud. G/Nugaal

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo dhawaan dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) ayaa Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland waxaa ay shaacisay in ay dhowaan soo bandhigi doonto Natiijada baaritaan lagu sameeyay kiiskaasi.

Maxamuud Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa sheegay in Kiisku uu marayo heer Gabo-gabo, ayna dhawaan soo bandhigi doonaan.

29-kii Maarso ee sannadkan 2020 ayay ahayd markii weerar ismiidaamin ah lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Gu’jir.