
Sida ay ay shaacisay Wasaaradda caafimaadka Dowlad Goboledka Puntland in 11 ruux laga helay cudurka covid-19. 11 Ruux ayaa isugu jira 7 rag iyo 4 Dumar kuwaaso ka mid ahaa 24 Ruux oo 15 May laga baaray cudurka Coronavirus
Sidoo kale Wasaaradu waxay sheegtay in 11 qof ee laga helay cudurka ay 7 qof joogaan gobolka Nugaal, halka 4 qof ee kalena ay joogaan gobolka Karkaar. Tirada Dadka xanuunka laga helay Puntland ayaa gaartay guud ahaan 136 Ruux, waxaa dhintay 5 ruux waxaa soo kabtay 3 Ruux, sida lagu sheegay warbixinta maalin laha ah ee Wasaaradda Caafimaadak Puntland.