Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Puntland Cabdi Samad Gallan ayaa shaaca ka qaaday in marnaba Puntland ogolaan doonin soo dejinta iyo ka Ganacsiga Hubka noocyadiisa kala duwan.
Waxa uu sheegay wasiirka in Puntland ay ka go’aan tahay joojinta soo dejinta iyo ka Ganacsiga Hubka,isla markaana Ciidamo farabadan la dhigay goobaha looga shakisan yahay in hubka laga soo dejin karo.
Warbaahinta iyo Shacabka deegaanada Puntland ayuu Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Puntland Cabdi Samad Gallan ka codsaday inay kusoo wargeliyaan hadii ay arkaan dad soo dejinaya,isaga oo sheegay in tallaabo laga qaadi doono.
Dhowr todobaad ka hor ayaa Wasiirka Amniga puntland ayuu soo saarey War-Saxaafadeed lagu mamnuucayo soo dejinta iyo ka Ganacsiga Hubka,isla markaana la diyaariyey Ciidamo ka hortaga.