Puntland oo mamnuucday isticmaalka boorarka meheradaha ku qoran afafka qalaad

Reading Time: < 1 minute

Wasaaradda Warfaafinta Puntland, oo tixraacaysa Xeerka Ilaalinta Af-Soomaaliga, ayaa amar ku bixisay dhammaan Qoraallada Boorarka iyo Magac-bixinta loo beddelo Af-Soomaali. Warqad ka soo baxday xafiiska Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Ciise Cismaan, ayaa lagu amray cid kasta oo boorar dhegsanaysa ama meherad magac ula baxaysa in ay isticmaalan Af-Soomaaliga.

Wasaaraddu waxay sheegtay, in Boorarka iyo Magac-bixinta la waafajiyo Xeerka Ilaalinta Af-Soomaaliga, kaas oo Faafinta Rasmiga ah ku soo baxay 15 December 2020 kadib markii Golayaasha dowladdu ansixiyeen.