Puntland oo maanta xuseysa 25-guuradii ka soo wareegatay dhismaha-maamulkaas

Reading Time: < 1 minute

Puntland ayaa la aas aasay sanadkii 1998-dii, kadib shir muddo bilo ah ka socday magaalada Garoowe, waxaana lagu heshiiyey ergo ka kala timid Bari, Nugaal, Waqooyiga-Mudug, Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer. August 1, 1998 waxay ahayd maalintii la dhamaystiray Dawladda Puntland, lana doortay xildhibaanadii ka soo jeeday gobolada.

Xuska maalintaan oo ah maalin ku weyn shacabka reer Puntland ayaa lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana ka qeyb galay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweyne ku xigeenka Axmed Ii Cismaan, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay dhoolatus ciidan iyo daah-furka lix dhismo oo loo dhisay xarumaha kala duwan ee Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in ay ka go’an tahay in Puntland ay doorasho ka dhacdo sanadka 2024-ka, hase ahaatee waxaa sii dhamaanaya mudada xilheynta Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, mana cadda in doorashada ay ku dhaceyso waqtigii loogu talagalay.

Shacabka Puntland ayaa rajo ka qaba in dowlad goboleedka Puntland  uu sii jiri doono isaga oo sameeynaya horumar sanadba sanadka ka danbeeya.