Puntland oo maanta si rasmi ah u daahfuraysa Talaalka Covid19

Reading Time: < 1 minute

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa maanta daahfuraysa Talaalka loogu talagay Kahortagga cudurka Safmarka ah ee Covid19. Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ayaa si isku mid ah looga daahfuri doonaa talaalka oo ay qaadan doonaan kumanaan qof maalmaha soo socda waxaana munaasabad lagu daahfurayo ka qeybgali doona masuuliyiinta wasaarada caafimaadka Puntland.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa soo saartay habraac lagu maareynayo qaadashada Talaalka safmarka Covid19 kaasoo dadka u nugul cudurka u saamaxaya in ay qaataan isla markaana ka mamnuucaya dadka qaba xasaasiyadda ku qaba talaalka iyo dadka ka yar da’da 18-ka Sano.

Talaalka wasaaradda Caafimaadka Puntland ay maanta daahfuri doonto waxaa ay kala yihiin Talaal ay dowladda Imaaraadka Carabta ugu deeqday Puntland iyo talaalka mashruuca COVAX oo ah mid ay Hay’adda Caafimaadka Aduunka dhawaan soo gaarsiiyay Soomaaliya.