Puntland oo Maamul Goboleedyadda Ugu baaqday in aysan Dowlada dhexe Ka Amar Sugin

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Garowe  waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir hal maalin socday oo looga hadlayay amniga Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galeyn Wasiirka amniga dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada.

Madaxweyne ku xigeynka maamulka Puntland Cabdixakiin  Camey oo hadal ka jeediyay shirkaas ayaa eedeyn waxuu u soo jeediyay madaxda dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada, wuxuuna ku eedeeyay in ay diyaar u aheyn dagaal lala galo Al-shabaab.

HOOS KA DAAWO VIDEO

 

Wuxuu  sheegay inay Muhiim tahay in Laga wada hadlo waxii dan u ah Shacabka , oo dhanka Amaanka si wada jir ah Looga wada shaqeeyo, waxaana uu tilmaamay in la dabagalo shirarkii kan ka horeeyay waxa ka hirgalay.  “Madaxda Soomaaliyeed way ka gaabiyeen in Soomaaliya lagu soo dabaalo Amni maadaama umada Soomaaliyeed ay aad ugu baahan yihiin ay tahay in amni lahelo, isla markaana ay dhibaato ku hayaan Al-Shabaab”