Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa xalay kormeer shaqo ku tegay dekedda magaalada Boosaaso halkaas oo ay ka socotay dhoofinta xoolaha loo iib geeyo dalalka Carabta.
Dekedda Boosaaso ayaa xalay laga dhoofiyay Ku dhawaad afartan kun oo neef oo xoolo ah kuwaas oo loo qaaday Imaaraatka Carabka, Sacuudiga iyo Cumaan.
Wasiirka dekadaha Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in ay xalay dekeddu martigelisay in ay ka dhoofaan xoolo gaaraya afartan kun oo neef oo loo iib geeyay dalalka Carabta.